Somaliksi Af soomaali

Kormeer waa dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo caalami ah kana jira dunidadaafaheeda. Kormeerayaasha aduunka kajiraa waxa ay kor u dhaafayaan 40milyan, waxa ayna ka jiraan dhamaan wadamada aduunka intooda badan. Finlad guud ahaan waxaa ka jira ilaa 6000 oo kormeerayaal. Helasinki iyo magaalooyinka ku dhow waxaa ka jira tiro gaareysa ilaa 12000 kormeerayal.  Kormeerayaashaas waxa ay ka howgalaan meelaha la degan yahay ururada jiro, waxa ayna leeyihiin calamo u gaar ah. Helsinki iyo agagaarkeeda ayaa leh ilaa 120 koox  oo calamo u gaar ah leh. Kormeerayaashaas waxa ay ku kulmaan xarumahooda asbuucii mar.  Kooxaha caruurtu waxa ay helaayan kuwa ku da’ ah ay la saaxiibaan. Koox walba waxaa masuulka ah qof weyn oo gudoomiye ah.

Kormeerka waxaa lagu bartaa xirfado cusub, kuwaas oo ku anfacayo mustaqbalka. Kormeerka waxaa laguugu barayaa qof is maamuli kara masuuliyadna qaadikara si wadajid ahna waa  loo baranaa. Kormeerka waxaa lagu bartaa sidii u qofku isu bixin lahaa marka uu joogo meel duur ah.

Kormerka caruurta, dhalinyarada iyo waayeelkaba si wadajir ah ayay u safraan una wada shaqeyaan. Barnaamijka asbuucalaha ah waxaa dheer in kormeerayaashu ay aadaan safar asbuuca dhamaadkiisa ama mid ka dheerba. Safarka meel ayaa lawada seexanayaa oo guryo xilliga samarkana teendhooyin.

YAA LOOGU TALAGAY KOMEERKA?

Kormeerku waa mid noocyo badan waxaana loogu talagay 7-22 jir caruur, dhalinyaro iyo dadka waaweyn ee iskaawax u qabso ku shaqeeya. Kormeerku waa mid u furan qof walba iyadoon la eegeyn luqada, diinta iyo dalka uu asal ahaan kasoojeedoba. Kormeerka waxaa ka soo qeybgali kara da’kasta. Qaarkood waxa ay ku kulmaan kaniisadaha, laakiin kormeerka kiristaanka oo kali ah looguma talagalin. Wixiin diin laxiriira waxaa kala hadli kartaa gudoomiyaha  kooxda.

MUXUU KORMEERKU U FIICAN YAHAY?

Kormeeka waxaad ku baranaysaa caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee kuladegan magaaladaada. Qaar ayaa kormeerka ka helay saaxiibo. Kormeerka waxaa laga bartaa xirfado faa’iido u leh oo ku saacidayo dhanka waxrashada: sida loogu dhex jiro kooxda ama loo hogaamiyo qadarinta dadka kale iyo ka qeybqaadashada arimaha bulshada. Waxaa kaloo lagu bartaa gargaarka deg dega, farshaxnka, sida duurka loo maro, cunakarinta iyo inaad waxaada ilaashato. Sababtoo ah kormeerka waa hiwaayad noocyo badan leh waxaad ka soobaratay waxay kaa anfacayaan inaad ku hesho shaqooyinka samarka. Kormeerka waxaad ku ogaaneysaa awoodaada waxqabad intay la’egtahay.

WAA IMMISA QIIMAHA KORMEERKA IYO QALAB NOOCEE LOO BAAHAN AYAHAY?

-Xubinimada waa 60-80 euro sannadkii

-Safarka asbuuca dhamaadkiisa waa 10-30 euro

-Safarka asbuuca ah waa 100-200 euro

-Lacagta xubinimada waxaad dalbankartaa in lagaa cafiyo

-Kormeerka inta badan waxaa lagu qaataa banaanka, marka waxaad u baahanatahay dhar roobka celiya iyo    kuwaqaboowga laga xirto iyo Kabo

-Safarka waxaad u baahan tahay bustaha lagu seexdo iyo mid gogol yar oo lagu seexdo iyo boorso weyn oo kuwa dhabarka. Qaar kamid ah kooxaha kormeerka waxay leeyihiin qalabka safarka oo la amaahan karo.

SIDEEN UGA MID NOQONKARAA KORMEERKA?

Isdiwaangelinta kormeeraka waxa ay bilaabataa xilliga dayrta,laakiin sannadkoon dhan waa isdiwaangelinkartaa Kormeerka waxaad tijaabin kartaa 1-2 jeer lacag la’aan markaas kadib ayaan nasoo biiraysaa. Qaar markiiba horey ugu biiraan, qaarna waxay sugaan inta booslooga helaayo. Kormeerka waxaa laga helikaraa meelkasta oo Helsinki iyo magaalooyinka u dhow. Waxaad ka raadin kartaa internetka www.partio.fi/partiohaku.

Kuva: Hanna Kimmonen